Askari hubaysan oo dad isku qoys ah ku laayay duleedka magaalada Muqdisho.

Thursday July 09, 2020 - 07:47:41 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Askari hubaysan oo dad isku qoys ah ku laayay duleedka magaalada Muqdisho.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya fal naxdin leh oo xalay ka dhacay deegaan dhaca duleedka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya fal naxdin leh oo xalay ka dhacay deegaan dhaca duleedka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.


Askarigan oo la sheegay in uu katirsanaa ciidamada dowladda Federaalka  kuna hubaysnaa qori AK47 ah ayaa xalay fiidkii weerar ku qaaday guri kuyaal deegaanka Tabeellaha Sheekh Ibraahim wuxuuna halkaas ka geystay xasuuq uu kula kacay dad isku qoys ahaa.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ninka gummaadka geystay uu laayay afar qof oo kamid ahaa reer xidid la ahaa oo uu gabar ka qabay, wararka ayaa intaas ku daraya in dambiilaha dhibka geystay madaxa looga jiray.


Dhacdadan waxaa aad uga naxay dadkii dariska lahaa ahaa qoyska dhibaatadu gaartay, falalka nuucaan oo kale ayaa bilihii lasoo dhaafay kusoo kordhay degmooyinka gobolka Banaadir.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items