Soomaaliya oo noqday dalka ugu Internetka Rakhiisan wadamada caalamka Carabta.

Thursday July 09, 2020 - 08:01:02 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaaliya oo noqday dalka ugu Internetka Rakhiisan wadamada caalamka Carabta.

    Warbixin cusub oo uu soo saaray machadka caalamiga ah ee (Cable) oo ka faallooda arrimaha Tiknoolajiyada ayaa lagusoo bandhigay wadamada ugu qaalisan qiimaha Internetka iyo kuwa ugu rakhiisan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warbixin cusub oo uu soo saaray machadka caalamiga ah ee (Cable) oo ka faallooda arrimaha Tiknoolajiyada ayaa lagusoo bandhigay wadamada ugu qaalisan qiimaha Internetka iyo kuwa ugu rakhiisan.


Hindiya ayaa noqotay dalka koowaad ee ugu rakhiisan Internetka iyadoona qofka Hindiyaanka ah uu Internet ku heli karo lacag dhan 0.09 dollar halka kaalinta labaad uu galay maamulka Yahuudda oo dadkiisu Internet ku heli karaan qiima dhan 0.011 dollar.

Dhanka wadamada carabta Soomaaliya ayaa noqotay dalka ugu rakhiisan Internetka uguna tayada wanaagsan halka Yemen uu noqday dalka ugu Internetka qaalisan caalamka carabta.



Machadka Cable wuxuu sheegay in qofka Soomaaliga ah uu Internet ku heli karo qiima dhan 0.5 dollar sidaasna ay Soomaaliya ku noqotay dalka ugu wanaagsan Internetka wadamada carabta.

Waxaa xusid mudan in shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ay bixiso adeeg Internetka oo ka qiima jaban midka uu soo bandhigay machadka warbixinta qoray waxaana shirkadda laga heli karaa Internet qiimihiisu yahay 0.25 Dollar.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items