Weerar iyo duqeyn lagu qaaday saldhigga ciidamada maamulka 'Puntland' ee deegaanka Galgala.

Thursday July 09, 2020 - 06:16:40 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar iyo duqeyn lagu qaaday saldhigga ciidamada maamulka 'Puntland' ee deegaanka Galgala.

    Ciidamada Xarakada Al-Shabaab ee ka howlgala buuraha Goolis ayaa weeraro xoogan ku qaaday saldhig ciidamada maamulka Puntland ku leeyihiin deegaanka Galgala ee hoos yimaada magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Xarakada Al-Shabaab ee ka howlgala buuraha Goolis ayaa weeraro xoogan ku qaaday saldhig ciidamada maamulka Puntland ku leeyihiin deegaanka Galgala ee hoos yimaada magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.


Guutooyinka Madaafiicda  Al-Shabaab ayaa qoriga hoobiyaha ku duqeeyey xerada ciidamada maamulka Puntland ee deegaanka Galgala, waxaana in muda ah ku socotay duqeyn culus.

Duqeynta waxaa dhinac socday dagaal xoogan oo ay ciidamada  Al-Shabaab ku qaadeen ciidamada maamulka Puntland.

Inkastoo aan la helin macluumaad dhameystiran oo ku aadan waxyeellada gaartay ciidamada maamulka Puntland hadana waxaa lasoo wariyay in askarta uu isku dhex yaac lasoo dersay, goobtana ay ka carareen.



Silsiladda buuraha Goolis, waxaa ka howlgala jabhad katirsan Xarakada  Al-Shabaab, taas oo dagaal adag kula jirta shirkadaha Shisheeyaha ee ay reer galbeedka ka howlgeliyeen wuqooyi bari, sirdoonnada Shisheeyaha iyo maamulka Puntland ee gacan saarka dhow la leh Xabashida.

Isha warka: Alfurqaan

Related Items