Al Shabaab oo sheegatay Mas'uuliyadda Qarax lagu beegsaday saraakiil Boolis.

Thursday July 09, 2020 - 09:31:09 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo sheegatay Mas'uuliyadda Qarax lagu beegsaday saraakiil Boolis.

    War rasmi ah oo kasoo baxay taliska ciidamada Xarakada Al Shabaab ayaa lagu faah faahiyay qarax khasaara dhaliyay oo shalay ka dhacay bartamaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War rasmi ah oo kasoo baxay taliska ciidamada Xarakada Al Shabaab ayaa lagu faah faahiyay qarax khasaara dhaliyay oo shalay ka dhacay bartamaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.


Al Shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyadda qaraxii shalay ka dhacay agagaarka madaxtooyadii Cabdi Qaasim ee degmada Hodon kaasi oo lala beegsaday gaari ay la socdeen askar iyo saraakiil katirsan ciidamada Booliska.

"Mujaahidiinta ayaa degmada Hodon ku dilay 2 katirsan ciidamada Booliska kooxda Ridada, waxaa kale oo qaraxa ku dhaawacmay laba katirsan cadowga oo uu kamid yahay xoghayaha guud ee booliska murtadiinta" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.


Afhayeen uhadlay ciidamada Booliska DF-ka ayaa shalay shir jaraa'id oo uu ku qabtay Muqdisho ku xaqiijiyay khasaaraha ciidamadooda kasoo gaaray qaraxii ka dhacay xaafadda Taleex ee bartamaha Muqdisho.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items