Saciid Deni iyo Axmed Madoobe oo iyagoo ciidamo wata ka degay Dhuusamareeb.

Thursday July 09, 2020 - 19:15:49 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saciid Deni iyo Axmed Madoobe oo iyagoo ciidamo wata ka degay Dhuusamareeb.

    Magaalada Dhuusmaareeb ee gobolka Galguduud waxaa maanta gaaray dhammaan hoggaamiyaasha maamul goboleedyada la shaqeeya shisheeyaha ee ka jira dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Dhuusmaareeb ee gobolka Galguduud waxaa maanta gaaray dhammaan hoggaamiyaasha maamul goboleedyada la shaqeeya shisheeyaha ee ka jira dalka Soomaaliya.


Diyaarado siday Axmed Madoobe,Saciid Deni,Waare iyo Laftagareen ayaa maanta siyaaba kala duwan ucaga dhigtay garoonka diyaaradaha macmalka degmada Dhuusamareeb.

Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa ciidamo boqolaal ah latagay magaalada waxaana kasii horreeyay gaadiid nuuca aysan xabadu karin ah, goob joogayaal ayaa sheegay in ciidamada ilaalinaya Axmed Madoobe iyo Deni ay gudaha ugu jiraan xarunta madaxtooyada maamulka Galmudug.


Shirka looga arrinsanayo arrimaha doorashooyinka ee udhaxeeya hoggaamiyaasha maamullada ayaa lafilayaa in uu berri ka furmo xarunta gobolka Galgaduud, maleeshiyaad daacad u ahaa Farmaajo iyo Fahad Yaasiin oo dalka Qadar lagusoo tababaray ayaa shalay laga saaray Dhuusamareeb.

Lama oga waxa kasoo bixi doono kulan siyaasadeedkan ay horboodayaan hoggamaiyaasha maamullada ee sida aadka ah udiiddan siyaasadda Farmaajo iyo Kheyre.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items