Al Shabaab oo gaari dagaal ku qabsatay dagaal ka dhacay deegaan katirsan Sh/hoose.

Friday July 10, 2020 - 17:57:59 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 16 1
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo gaari dagaal ku qabsatay dagaal ka dhacay deegaan katirsan Sh/hoose.

    Dagaalyahanada Al Shabaab ayaa fashilay isku day weerar habeen dheelmad ah oo maleeshiyaad uu Mareykanku tababaray ay ka geysan rabeen deegaan katirsan gobolka Sh.hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaalyahanada Al Shabaab ayaa fashilay isku day weerar habeen dheelmad ah oo maleeshiyaad uu Mareykanku tababaray ay ka geysan rabeen deegaan katirsan gobolka Sh.hoose.


Wararka ka imaanaya duleedka deegaanka Mubaarak ee hoos taga degmada Awdheegle ayaa sheegaya in xalay halkaas uu ka dhacay iska hor'imaad xooggan oo dhaxmaray ciidamada Al Shabaab iyo Maleeshiyaadka Bangaraafta loo yaqana ee lagu tababaray saldhigga Balidoogle.

Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in dagaalka lagu dilay 3 askari islamarkaana lagu dhaawacay 4 kale, war rasmi ah oo kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in ciidamadoodu ay maleeshiyaadka Danab ka reebteen gaari Cabdi Bile ah oo uu ku xirnaa qori kamid ah hubka culus.


Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamo kale oo si dirqi ah uga badbaaday weerarka dhabbagal ah ay dib ugu laabteen saldhigga Balidoogle oo markii hore ay kasoo duullaan tageen.

Ciidamo isugu jira American iyo Bangaraaf ayaa marmarka qaar weeraro habeen dheelmad ah oo ay ku dhibaateeyaan dad shacab ah waxay ka fuliyaan deegaanno katirsan Sh/Hoose.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items