Maxkamadda sare ee dowladda Turkiga ayaa gaartay go'aan taariikhi ah kadib markii ay soo saartay go'aan kama dambays ah oo masjid ay muslimiintu leeyihiin dib ugusoo celinayso kaalintiisi.
Qaadiga maxkamadda Turkiga ayaa waxba kama jiraan kasoo qaaday go'aan ay sanaddii 1934-tii gaartay maxkamaddii dowladdii calmaaniga taas oo amartay in Masjidka Ayaasofiya laga dhigo Matxaf qaran!.
Madaxweynaha Turkiga Erdogaan ayaa durbadiiba soo saaray wareegto madaxtooyo oo amraysa in si degdeg ah Ayaasoofiya looga dhigo masjid islamarkaana laga wareejiyo Matxafka uu hadda yahay.
Hoggaamiyaasha muslimiinta Turkiga ayaa tallaabadan aad usoo dhoweeyay waxaana durbadiiba magaalada Istanbuul ka bilaawday dabaal degyo farxadeed.
Calmaanigii gaalka ahaa ee Mustafa Kamaal Ataaturki ayaa bilaawgii sodomeeyadii masjidka Ayaasoofi urogay Matxaf shirki ah balse 86 sanadood ka hor ayuu Ayaasoofiya dib usoo ceshanayaa masjidnimadiisi.
Khilaafadii Cusmaaniyiinta ayaa Kaniisaddii Bizandiyiinta ee Ayaasoofiya Masjid urogtay sanaddii 1453 Miilaadi wuxuuna dhowr qarni ahaa masjid ay malaayiin muslimiin ah ku cibaadaystaan.
Maxkamadda Sare ee Turkiga oo go'aan Taariikhi ah ka gaartay Masjidka Ayaasoofiya!
Maxkamadda sare ee dowladda Turkiga ayaa gaartay go'aan taariikhi ah kadib markii ay soo saartay go'aan kama dambays ah oo masjid ay muslimiintu leeyihiin dib ugusoo celinayso kaalintiisi.