Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo saacado badan qaatay oo gobolka Mudug ku dhaxmaray maleeshiyaad hubaysan.
Ugu yaraan 5 qof oo ay kamid yihiin dad shacab ah ayaa dhintay toban kalane dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib markii ay is fara saareen ciidamada maamulka isku magacaabay Puntland iyo maleeshiyaad gacan saar laleh islamaamulkaasi.
Goob joogayaal ayaa sheegay in iska hor'imaadyada oo xalay soo bilaawday ay soo gaareen maanta barqadii.
Dadka dhintay waxaa kamid ah haweenay uu madfac ugu tagay goob ganacsi oo ay ku laheed waqooyiga magaalada Gaalkacyo.
Taliyaha booliska qeybta Mudug ee maamulka Puntland ayaa warbaahinta usheegay in ciidamadoodu ay ladagaallameen maleeshiyaad burcad ah oo ka ganacsada daroogada gaar ahaan Khamriga sida uu hadalka udhigay.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in maleeshiyaadka la sheegay in ay khamriga ka ganacsadaan ay horay uga tirsanaayeen maamulka Punland balse ay ka goosteen ayna bilaabeen in ay isbaarooyin dhigtaan xaafado katirsan waqooyiga Gaalkacyo.
Dhowr guri oo kuyaal waqooyiga magaalada ayaa gubtay kadib markii uu ka dhacay hubculus ee labada dhinac is dhaafsanayeen.
Dagaal khasaara badan dhaliyay oo ka dhacay Waqooyiga Gaalkacyo.
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo saacado badan qaatay oo gobolka Mudug ku dhaxmaray maleeshiyaad hubaysan.