Siyaasi haweenay Kufsaday oo wasiir ka noqday dalka Faransiiska.

Saturday July 11, 2020 - 12:29:39 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasi haweenay Kufsaday oo wasiir ka noqday dalka Faransiiska.

    Boqolaal kun oo shacab ah ayaa dibad baxyo ka dhigaya magaalooyin katirsan wadanka Faransiiskas waxayna kasoo horjeedaa nin kufsi ku eedaysan oo wasiir loo magacaabay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Boqolaal kun oo shacab ah ayaa dibad baxyo ka dhigaya magaalooyin katirsan wadanka Faransiiskas waxayna kasoo horjeedaa nin kufsi ku eedaysan oo wasiir loo magacaabay.


Dadka dibad baxyada dhigay ayaa codsanaya in ay iscasisho xukuumadda Cusub ee dhowaan looga dhawaaqay magaalada caasimadda ah ee Paris.

Xukuumaddan waxaa wasiirka arrimaha gudaha ka ah siyaasi sumcad xun oo lagu magacaabo Gérald Darmanin kaasi oo ku eedaysan in uu haweenay kufsaday sanaddii 2009.

Hoggaamiyaasha Ururada bulshada Faransiiska ayaa madaxweynaha wadankaas ugu baaqay in uu kala diro xukuumadda islamarkaana maamulka wadanka laga fogeen Gérald Darmanin oo hadda ku magacaaban wasiirka arrimaha gudaha.


Gérald Darmanin ayaa la sheegay in uu sanadii 2009 kufsaday haweenay islamarkaana ay dacwad kataal maxkamadda dambiyada magaalada Paris, dadka iskusoo baxyada dhigaya ayaa sidoo kale eedayn ujeediyay wasiirka cusub ee cadaaladda oo lagu tuhmayo in uu yahay cunsuri xagjir ah.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa bishii lasoo dhaafay kala diray golihii xukuumadda isagoo soo magacaabay R/wasaare cusub, Faransiiska oo saameyn xun oo dhaqaale uu ku reebay caabuqa safmareenka Covdi19 ayaa wajahaya caqabado dhanka siyaasadda iyo dhaqaalaha ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items