Ciidamo huwan ah oo qaraxyo gaadiid looga gubay lagula beegsaday deegaanno katirsan Sh/hoose.

Saturday July 11, 2020 - 12:45:32 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 9 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo huwan ah oo qaraxyo gaadiid looga gubay lagula beegsaday deegaanno katirsan Sh/hoose.

    Weeraro hor leh oo ka dhan ah ciidamada huwanta ah ayaa lagasoo sheegayaa deegaanno katirsan gobolka Sh/hoose ee dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weeraro hor leh oo ka dhan ah ciidamada huwanta ah ayaa lagasoo sheegayaa deegaanno katirsan gobolka Sh/hoose ee dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya.


Wararka ka imaanaya duleedyada degmooyinka Janaale iyo Awdhiigle ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay halkaas ay ka dhaceen iska hor'imaadyo iyo qaraxyo lagu beegsaday ciidamo Ajnabi ah iyo maleeshiyaad katirsan dowladda.

Wadada xiriirisa Janaane iyo deegaanka Degwariiri waxaa ka dhacay iska hor'imaad aad u culus oo ay qaraxyo barbar socdeen.

Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in kolonyo ay la socdeen ciidamo American ah wadada loo galay, gaari nuuca dagaalka ah oo ay wateen maleeshiyaadka Danab ee lagu tababaray saldhigga Balidoogle ayaa ugacan galay Al Shabaab waana gaarigii 2aad oo 24 saac gudahood looga qabsado Sh/hoose.


Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamada huwanta ah ay gaariga oo uu ku xiranyahay qori nuuca lidka diyaaradaha ah ay goobta uga tageen, dhinaca kale laba qarax ayaa ciidamo kasoo baxay Awdheegle lagula beegsaday deegaanka Mubaarak ee Sh/hoose.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidamada huwanta ah ee weerarada lagu beegsaday ay dib ugu laabteen degmooyinka Janaale iyo Awdheegle oo kawada tirsan Sh/hoose.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items