SOOMAALIDU SAL FUDUDAA!!!

Saturday July 11, 2020 - 12:30:39 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SOOMAALIDU SAL FUDUDAA!!!

    Soomaalidu inteeda badani ma aha dad aad u hubsada waxa jira inyar oo Alle (swt) u naxariistey mooyee. Hadda ka hor ayaa xilli abaar bahgooya ah ay jirto, nin tuug ahi damcay in uu reer xado, muskana u soo galay si uu xerada xoolaha u dhaco oo uu ugu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Soomaalidu inteeda badani ma aha dad aad u hubsada waxa jira inyar oo Alle (swt) u naxariistey mooyee. Hadda ka hor ayaa xilli abaar bahgooya ah ay jirto, nin tuug ahi damcay in uu reer xado, muskana u soo galay si uu xerada xoolaha u dhaco oo uu ugu yaraan neef caawa la boodo.

 Isaga oo aan weli tallaabo qaadin ayaa waxa samada ka hillaacay roob, aan la filayn waayo waxa ay ahayd xilli jiilaal dheere ah. Tuuggii inta is illaaway oo farxaddii ka badatay markii uu hillaaca arkay ayaa la soo booday Alla waa hillaac. Reerkii oo iyana faraxsan, balse la yaabay ninka muska ku jirey oo hillaacu fashiliyey ayaa ugu jawaabay tuuggii "Tuugow yaa
hillaaca kula ogaa?".

Haddaba shalay galab ayaa Xasan Cali Kheyre la soo booday isaga oo la hadlaya golihiisa wasiirrada in ay doorashadu xilligeedii dhacayso. Waxa iyana ay warqadi ka soo baxday xafiiskiisa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, taas oo taageero u muujinaysa hadalkii Khayre.


Haddaba xaggee ayey ku qorneyd ama lagu sheegay in aan doorasho ku dhacayn xilligeedii, maxaase hadalkooda iyo kan qolyaha ku shiraya Dhuusamareeb kulmiyey. Haddaba warku sow uma eka "tuugow yaa hillaaca ku la ogaa". Aragtideyda waxa ii muuqatay inkasta oo afka lagala baqayey in ay jirtey tuhunka ah in hunguri kaga jirey muddo kororsi qolyaha Villa Somalia, balse aan la caddeysan karin oo lala dhuumanayey.

WQ Dr Suldaan Garyare

Related Items