Daawo Video: Beesha Leelkase oo maamulka Puntland ku eedaysay in uu Xasuuq ka geystay Gaalkacyo.

Saturday July 11, 2020 - 19:37:49 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Video: Beesha Leelkase oo maamulka Puntland ku eedaysay in uu Xasuuq ka geystay Gaalkacyo.

    Mid kamida beelaha Soomaaliyeed ee degta Gobolka Mudug ayaa war kasoo saartay dagaal khasaara badan dhaliyay oo xalay illaa iyo maanta ka dhacayay magaalada Gaalkacyo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mid kamida beelaha Soomaaliyeed ee degta Gobolka Mudug ayaa war kasoo saartay dagaal khasaara badan dhaliyay oo xalay illaa iyo maanta ka dhacayay magaalada Gaalkacyo.


Shir Jaraa'id oo ay waqooyiga Gaalkacyo ku qabteen waxgaradka iyo samadoonnada beesha Leelkase ayay ku sheegeen in ciidamada maamulka Puntland ay dhibaata ugeysteen dad katirsan beesha.

Nabadoon Bashiir Carab oo kamid ah waxgaradka Leelkase ayaa sheegay in ciidamada Puntland ay weerar gardarra ah ku qaadeen xaafadda Garsoor ayna xasuuq ugeysteen dad isugu jiray culimo iyo dhalinyaro aan waxba galabsan.


Beesha ayaa waxbakama jiraan ku tilmaamtay sheegashada maamulka Puntland ee ah in ay la dagaallameen kooxo burcad ah oo daroogada ka ganacsada.

Ciidamada maamulka Puntland ayaa lagu eedeeyay in ay burburiyeen malcaamado Qur'aanka lagu barto,quryo shacab iyo xarumo kale oo dhammaantood dad shacab ah deganyihiin.

Hoos ka daawo shirka Jaraa'id ee Leelkase



Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items