Ciidamada Itoobiya oo hawada ka saaray isgaarsiinta degmada Xudur.

Sunday July 12, 2020 - 10:35:28 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Itoobiya oo hawada ka saaray isgaarsiinta degmada Xudur.

    Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ee dhaca Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya ay gobolkaas ka wadaan dhaq dhaqaaq melleeteri.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ee dhaca Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya ay gobolkaas ka wadaan dhaq dhaqaaq melleeteri.


Saaka aroortii hore ayay ciidamada Itoobiya hawada ka saareen dhammaan isgaarsiintii ka shaqeynaysay degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

ilo wareedyo laga helay gobolka ayaa sheegaya in shalay gelinkii dambe ay magaalada Xudur gaareen labaatameeyo gaadiid ah oo ay gelbinayeen ciidamo Itoobiyaan ah kuwaas oo jimcihii lasoo dhaafay kasoo gudbay xuduud beenaadka.

Lama oga wax uu ku saabsanyahay dhaq dhaqaaqyada melleteri ee ciidamada Xabashida ay ka samaynayaan gobolka Bakool balse marwalba oo ay isku dayaan in ay ruuqaansi sameeyaan ayay weeraro qorshaysan kala kulmaan dagaalyahanada Al Shabaab.


Gobolka Bakool ayaa kamid ah meelaha sida aadka ah loogu dhiig bixiyay ciidamada Itoobiya waxaana xusid mudan in lagu go'doomiyay dhowr magaalo oo ay duullaan ku qabsadeen sanaddii 2014-kii.

Related Items