Shaqa joojin looga dhawaaqay gobolka Oromia ee dalka Itoobiya.

Sunday July 12, 2020 - 12:33:58 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shaqa joojin looga dhawaaqay gobolka Oromia ee dalka Itoobiya.

    Dibad baxyo rabshado wata ayaa wali kasii socda inta badan magaalooyinka ay degto qowmiyadda Oromada ee wadanka Itoobiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dibad baxyo rabshado wata ayaa wali kasii socda inta badan magaalooyinka ay degto qowmiyadda Oromada ee wadanka Itoobiya.


Tobanaan kun oo qof ayaa shalay isugusoo baxay magaalooyinka gobolka Oromia waxayna dhigayaa dibad baxyo rabshado wata oo ay ku diidanyihiin dowladda ee madaxda ka yahay Abiy Axmed.

Ururada iskaashatooyinka shaqaalaha Oromada ayaa ku dhawaaqay shaqa joojin ay uga cabanayaan xadgudubyada uga imaanaya ciidamada booliska iyo kuwa melleteriga.

Bayaan ay soo saareen Ururada shaqaalaha ayay ku sheegeen in ciidamada ammaanka Itoobiya ay dhibaata ka wadaan gobolka Oromia, meel ku dhow magaalada Addis Ababa ee caasimadda ah ayay shalay ka dhaceen dibad baxyo jamaahiiri ah.


Dhinaca kale xeer ilaaliyaha guud ee Itoobiya ayaa shalay soo bandhigay magacyada rag lagu eedeeyay in ay mas'uul ka ahaayeen dilkii loo geystay fanaan caan ahaa.

Dowladda Itoobiya waxay sheegtay in ragga dilka fuliyay ay horay uga tirsanaayeen jabhadda Oromada OLF balse ay ka goosteen, hoggaamiyaasha mucaaradka ee kasoo jeeda qowmiyadda Oromada ayaa caddeymaha kasoo yeeray xeer ilaalinta Addis Ababa ku tilmaamay been abuur ladoonayo in lagu dhagro dadka iskusoo baxyada wada.




Related Items