Qarax 10 Askari lagu dilay oo ka dhacay deegaanka Buula Guduud ee duleedka Kismaayo.

Sunday July 12, 2020 - 16:54:17 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 3 0
  • Share via Social Media

    Qarax 10 Askari lagu dilay oo ka dhacay deegaanka Buula Guduud ee duleedka Kismaayo.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar khasaara badan dhaliyay oo ciidamo katirsan maamulka isku magacaabay Jubbaland lagula beegsaday deegaan dhaca duleedka magaalada Kismaayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar khasaara badan dhaliyay oo ciidamo katirsan maamulka isku magacaabay Jubbaland lagula beegsaday deegaan dhaca duleedka magaalada Kismaayo.


Ugu yaraan 10 askari ayaa ku dhintay qarax miino oo kolonyo gaadiid ah lagula beegsaday meel ku dhow deegaanka Buula Guduud oo qiyaastii 35Km ujira magaalada dekadda leh ee Kismaayo.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in dagaalyahannada Al Shabaab ay weerar dhabagal ah udhigeen maleeshiyaadka Axmed Madoobe balse khasaaraha ugu badan wuxuu ka dhashay qarax lagu burburiyay gaari Tikniko ah.


Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in gaari nuuciisu yahay Cabdi Bile oo qaraxa lagu burburiyay ay maleeshiyaadka 'Jubbaland' uga tageen hareeraha wadada laamiga ah.

Deegaannada dhaca duleedyada waqooyi ee magaalada Kismaayo waxaa bilihii lasoo dhaafay dhaq dhaqaaqyo ka sameynayo Maleeshiyaad uu Mareykanku tababaray kuwaas oo dusha sare looga ilaaliyo diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drone-ka loo yaqaan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items