Shirkii Dhuusamareeb oo lagu xaqiijiyay in doorasho qof iyo cod ah aysan dhici karin.

Monday July 13, 2020 - 11:25:53 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkii Dhuusamareeb oo lagu xaqiijiyay in doorasho qof iyo cod ah aysan dhici karin.

    Waxaa soo gaba gaboobay kulankii ay magaalada Dhuusamareeb ku lahaayeen madaxda maamul goboleedyada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa soo gaba gaboobay kulankii ay magaalada Dhuusamareeb ku lahaayeen madaxda maamul goboleedyada.

Warmurtiyeed ay gabagabadii shirka lagasoo saaray ayay ku sheegeen in aysan suurtagal aheyn in doorasho qof iyo cod ah ay dhacdo dalka Soomaaliyeed sidaas daraadeed loo baahanyahay in dhammaan dhinacyada ku lugta leh siyaasadda shisheeye kalkaalnimada ku dhisan ay ku heshiiyaan doorasho nuuc kale ah.

Warsaxaafadeedka kasoo baxay hoggaamiyaasha maamul goboleedyada oo umuuqday mid aan weerar ku aheyn madaxda dowladda Federaalka ayaa lagu go'aamiyay in shir kale ay isugu yimaadaan Farmaajo,Kheyre iyo hoggaamiyaasha maamullada kaas oo ka dhici doono Dhuusamareeb balse waqti looma xadidin.


Khamiistii lasoo dhaafay ayuu xasan Cali Kheyre sheegay in haddii waqti kororsi ay sameyso dowladda Federaalka ay dagaallo lagu hoobto ka dhax qarxi doonaan dhinacyada isku hayo siyaasadda Soomaaliya

Related Items