Sawirro: Ciidamo Kenyaan ah oo ku dhintay shil diyaaradeed.

Tuesday July 14, 2020 - 12:29:15 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Ciidamo Kenyaan ah oo ku dhintay shil diyaaradeed.

    Wasaaradda difaaca dowladda Kenya ayaa xaqiijisay in mid kamida diyaaradaheeda qumaatiga ukaca ay burburtay islamarkaana ay ku dhinteen ciidamadii la socday.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda difaaca dowladda Kenya ayaa xaqiijisay in mid kamida diyaaradaheeda qumaatiga ukaca ay burburtay islamarkaana ay ku dhinteen ciidamadii la socday.


Wararka ka imaanaya dalka Kenya ayaa sheegaya in ugu yaraan 2 askari ay dhinteen tira kalane ay dhaawacyo soo gaareen kadib markii ay diyaarad helocopter ah kula dhacday degmada Machakos.

Sawirro lagu baahiyay baraha Internetka Kenya ayaa muujinayay diyaaradda oo burburtay iyo meydadkii askartii la socotay oo jirkoodu go'go'ay.


War qoraal ah oo kasoo baxay taliska ciidanka cirka Kenya ayaa lagu sheegay in aan la ogeyn sababta ay diyaaraddu usoo dhacday balse ay socdaan baaritaanno ku aaddan waxa shilka sababay.

Sarkaal katirsan ciidamada Kenya ayaa warbaahinta u sheegay in xiligii ay diyaaraddu burburaysay ay ciidamadu ku jireen tababar xagga cirka ah.
diyaaraddan burburtay ayaa kamid aheyd Lix diyaaradood oo dowladda Kenya ay sanaddii lasoo dhaafay ka iibsatay Mareykanka waxaana loogu talagalay in lagula dagaallamo Al Shabaab.




Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items