Wadahadalladii ku aadanaa qeybsiga Biyaha Webiga Niil oo Fashil ku dhammaaday.

Tuesday July 14, 2020 - 08:34:54 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wadahadalladii ku aadanaa qeybsiga Biyaha Webiga Niil oo Fashil ku dhammaaday.

    Waxaa soo gaba gaboobay Shirar looga hadlayay sidii xal kama dambays ah looga gaari lahaa khilaafka ka taagan biya xireenka ay dowladda Itoobiya ka dhisayso webiga Niil.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa soo gaba gaboobay Shirar looga hadlayay sidii xal kama dambays ah looga gaari lahaa khilaafka ka taagan biya xireenka ay dowladda Itoobiya ka dhisayso webiga Niil.


Wadahadallada oo u dhaxeeya sedaxda dowladood ee kala ah Suudaan ,Itoobiya iyo Masar ayna goob joog ka ahaayeen Ururkada Q.Midoobay iyo Midowga Afrika ayaa kusoo idlaaday guuldarro iyo ismariwaa.

Wasiirka arrimaha dibadda Masar ninka lagu magacaabo Saamix Shukri ayaa Itoobiya ku eedeeyay in ay ka caga jiidayso in xal kama dambays ah laga gaaro khilaafka ka jira qeybsiga Webiga Niil.

Masar waxay sheegtay in ay ka xuntahay in aan wax natiijo ah laga gaarin dhammaan shirarkii soo bilaawday horraantii bishan ee ku aadanaa in xal waaro laga gaaro khilaafka.


Dhinaca kale wasiirka arrimaha dibadda Suudaan Yaasir Cabaas ayaa shir jaraa'id oo uu qabtay ku sheegay in dowladdiisu ay arrinta biya xireenka ugudbin doonto Ururka Midowga Afrika si uu uqabto shir gaar ah oo ku saabsan xallinta colaadda soo cusboonaatay.

Ilo wareedyo diblumaasiyadeed ayaa sheegay in xukuumadda Addis Ababa ay ganafka ku dhufatay dhammaan qodobadii ay Masar iyo Suudaan soo dhigeen miiska wadahadallada sida in aan labuuxin waaskooyinka biya xireenka waxayna Itoobiya ku adkaysatay in ay buuxinayso waaskooyinka biyaha si sanadda soo socota ay shaqadu ubilaabato.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]


Related Items