Hay'adda WHO ee taabacsan waxa loogu yeero Q.Midoobay ayaa digniin adag kasoo saartay labakaclaynta uu sameeyay caabuqa Covid19.
Warbixin ay hay'adani soo saartay ayay ku sheegtay in cudurku uu si aan horay loo arag ugu faafayo wadamada qaar gaar ahaan Mareykanka iyo Baraaziil.
Waxay ugu baaqday dowladaha caalamka in ay qaadaan tallaabooyinka looga feejignaanayo Carona Virus, shalay oo kaliya wadanka Mareykanka waxaa laga diiwaangeliyay inkabadan 60,000 oo kiisas Carona ah arrinkaas oo muujinaya sida caabuqan uu ugasii dhax faafayo bulshada American-ka.
Gobollada Floorida iyo California ayaa lagasoo sheegayaa xaalad liidata,warbixin cusub ayaa sheegaysa in dhimashada iyo bukaannada ugu badan caalamka 7-dii maalmood ee lasoo dhaafay ay ka jirtay labadan gobol ee Mareykanka kawada tirsan.
Wadanka Baraaziil ayaa wali ah dalka labaad ee ugu dhimashada badan caalamka waxayna dadka Carona ugu dhintay gaarayaan 72 kun oo ruux halka Mareykanku uu yahay dalka ugu dhimashada caalamka oo waxay dhimashadu gaartay 138 kun oo ruux.
Digniinaha soo baxaya waxaa kamid ah in muwaadiniinta ku dhaqan qaaradda Yurub ay isticmaali waayaan maaskada afka iyo sanka lagu xirto, WHO waxay ku talisay in xaaladda feejignaanta ay sideedi ahaato islamarkaana layareeyo isku imaatinnada bulshada ee aan daruuriga aheyn.
Dad ka badan nus milyan ruux ayaa caabuqa Covid19 ugu dhintay caalamka, dadka ugu badan ee cudurkani dilay ama uu asiibay ayaa kunool qaaradda Yurub halka America ay ku jirto kaalinta labaad marka laga hadlayo kuwa ladhiban Carona Virus.
Carona oo si xowlli ah ugu laba kacleeyay Mareykanka iyo WHO oo digniino soosaartay.
Hay'adda WHO ee taabacsan waxa loogu yeero Q.Midoobay ayaa digniin adag kasoo saartay labakaclaynta uu sameeyay caabuqa Covid19.