Baarlamaan daacad u ah Xaftar oo Melleteriga Masar ugu baaqay in uu faragelin ku sameeyo Liibiya.

Tuesday July 14, 2020 - 12:09:58 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baarlamaan daacad u ah Xaftar oo Melleteriga Masar ugu baaqay in uu faragelin ku sameeyo Liibiya.

    Gole baarlamaan oo taabacsan dagaal ooge khaliifa Xaftar islamarkaana ku sugan bariga Libiya ayaa soo saaray bayaan ay sharci uga dhigayaan in melleteriga dowladda Masar ay duullaan melleteri kusoo qaadi karaan wadankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gole baarlamaan oo taabacsan dagaal ooge khaliifa Xaftar islamarkaana ku sugan bariga Libiya ayaa soo saaray bayaan ay sharci uga dhigayaan in melleteriga dowladda Masar ay duullaan melleteri kusoo qaadi karaan wadankaasi.

Xildhibaanada Xaftar oo fadhi kuyeeshay magaalada Tobruk ee dhacda bariga wadanka Liibiya ayaa ugu baaqay dowladda Masar in ay ciidamo melleteri usoo dirto Sirta iyo Aljafrah si ay uga difaacaan Turkiga.

"Ciidamada Masar waxay faragelin ugusoo sameeyeen Liibiya si ay u ilaaliyaan masaalixda amniga qaranka ee labada wadan" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay baarlamaanka Khaliifa Xaftar.

Bayaanka kasoo baxay baarlamaanka ku shiray magaalada Tobruk ayaa aad loogu taageeray khudbad uu jeediyay Cabdi Fataax Alsiisi taasi oo uu ku sheegay in magaalooyinka Sirta iyo Aljafra ay khad cas u yihiin dowladda Masar.


Dhinaca kale Dowladda Turkiga oo qeyb ka ah awoodaha caalamiga ah ee ku loollamaya wadanka Liibiya ayaa heshiis xabad joojin ah oo laga gaaro colaadda wadankaas shardi uga dhigtay in marka hore maleeshiyaadka Khaliifa Xaftar ay isaga baxaan magaalada Sirta iyo saldhigga cirka Aljafra.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items