Dibad Baxyo Ka Dhan Ah Xukuumadda Kenya oo Ka Dhacay Deegaanka Lamu.

Wednesday October 29, 2014 - 08:25:39 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dibad Baxyo Ka Dhan Ah Xukuumadda Kenya oo Ka Dhacay Deegaanka Lamu.

    Isku dhacayo u dhaxeeya ciidanka booliska Kenya iyo shacab careysan ayaa ka socda qeybo katitsan wadankaasi oo bilihii lasoo dhaafay lagasoo sheegayay falal ammaan darro ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isku dhacayo u dhaxeeya ciidanka booliska Kenya iyo shacab careysan ayaa ka socda qeybo katitsan wadankaasi oo bilihii lasoo dhaafay lagasoo sheegayay falal ammaan darro ah.

Wararka ka imaanaya mandiqadda Lamu ee xeebta leh ayaa sheegaya in dibad baxyo ballaaran oo ka dhan ah xukuumadda Kenya ay ka dhaceen dhowr degmo oo gobolka katirsan.

Dadka iskusoo baxyada dhigay ayaa ka cabanayay bandaw muddo sedax bilood qaatay oo xukuumadda Uhuru kusoo rogtay gobolka,saraakiisha booliska ayaa sheegay in dadka careysan ay dhagxaan ladhaceen xarumaha booliska.

Mid kamida guddiyada dadweynaha Lamu ayaa warbaahinta u sheegay in Bandawga ay xukuumaddu sheegtay in ammaanka lagu sugayo ay saameyn ku yeesheen dhaq dhaqaaqa ganacsiga iyo dalxiiska sidaasi daraadeed ay codsanayaan in bandawga laga qaado Lamu.


Mas’uul u hadlay xukuumadda dhexe ee Kenya ayaa sheegay in Bandawgu uu sii saarnaan doono Bariga wadanka illaa iyo bisha November,2014 inta ammaanku ka hagaagayo.

Ciidamada xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa boqolaal qof ku dilay weeraro bilihii lasoo dhaafay ka dhacay gobolka xeebta leh ee Lamu.

Related Items