Diyaarad sahay usidday ciidamada AMISOM oo ku gubatay Garoonka Beledweyne.

Tuesday July 14, 2020 - 19:12:22 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diyaarad sahay usidday ciidamada AMISOM oo ku gubatay Garoonka Beledweyne.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya diyaarad nuuca xamuulka qaada ah oo maanta ku burburtay garoonka diyaaradaha magaalada Beled weyne.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya diyaarad nuuca xamuulka qaada ah oo maanta ku burburtay garoonka diyaaradaha magaalada Beled weyne.

Diyaaradda oo sahay raashin ah usidday ciidamada shiheeyaha AMISOM gaar ahaan Jabuuti ayuu dab qabsaday daqiiqado kadib markii ay soo caga dhigatay garoonka diyaaradaha Macmalka Ugaas Khaliif.

Saraakiisha ciidamada Jabuuti ayaa sheegay in wax khasaare nafeed ah uusan ka dhalan burburka diyaaradda balse ay gubatay hantidii diyaaradda saarneed.

Cali Jeyte oo ah guddoomiyaha gobolka Hiiraan ugu magacaaban maamulka Hirshabelle ayaa burburka diyaaradda mas'uuliyadeeda dusha uga tuuray AMISOM iyo dowladda Federaalka o uu sheegay in aysan adeegga dab damiska ka hirgelin garoonka Ugaas Khaliif "Waa ayaan-darro in garoonka diyaaradaha ee magaalada Beledweyne uusan laheyn gaadiidka dab demiska , waxaana mas’uuliyaddaas qaadanaya dowladda dhexe iyo ciidamada AMISOM” ayuu yiri Cali Jeyte.


Ciidamada Jabuuti iyo kuwa Xabashida Itoobiya ee ku sugan degmooyin katirsan gobolka Hiiraan ayaa wajahaya xaalad go'doomin ah waxaana saadka loogu gudbiyaan dhanka hawada.

Related Items