Al Shabaab oo weeraro ku miray saldhigyo kuyaal Jubbooyinka iyo Hiiraan.

Wednesday July 15, 2020 - 11:26:59 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 2
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo weeraro ku miray saldhigyo kuyaal Jubbooyinka iyo Hiiraan.

    Dagaalyahanno aad u hubaysan oo katirsan Al Shabaab ayaa xalay weeraro ku miray saldhigyo ay ciidamada shisheeyaha AMISOM iyo kuwa Itoobiya ku leeyihiin gobollo katirsan dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaalyahanno aad u hubaysan oo katirsan Al Shabaab ayaa xalay weeraro ku miray saldhigyo ay ciidamada shisheeyaha AMISOM iyo kuwa Itoobiya ku leeyihiin gobollo katirsan dalka Soomaaliya.



Xalay fiidkii ayay xoogagga Al Shabaab weeraro ku ekeeyeen laba saldhig oo ciidamada gummeysiga Kenya ay uga suganyihiin deegaanka Taabto iyo Kulbiyoow ee gobolka Jubbada Hoose.

Wararka ka imaanaya Jubbada Hoose waxay sheegayaan in dagaalyahanada Al Shabaab ay weeraro fool ka fool ah ku qaadeen saldhigyada ciidamada Kenya, dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen daryanka madaafiic iyo rasaas laysku dhaafsanayay dagaalka.



Dhinaca kale dagaal culus ayaa markale xalay saqdii dhexe ka dhacay deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan bartamaha Soomaaliya.

Xoogaga Al Shabaab ayaa la sheegay in ay dhowr jiho ka weerareen laba saldhig oo ciidamada Xabashida ay ka sameysteen deegaanka Halgan ee kala qeybiya degmooyinka Beled Weyne iyo Buula Burde.

illaa iyo hadda lama oga khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ciidamada shisheeye kasoo gaaray weeraradii xalay lagu miray.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items