Video+Sawirro: Magaalo katirsan dalka Itoobiya oo ku gubatay dagaallada waddooyinka.

Wednesday July 15, 2020 - 11:36:49 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 2.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Video+Sawirro: Magaalo katirsan dalka Itoobiya oo ku gubatay dagaallada waddooyinka.

    Dagaallo dad badan ay ku dhinteen ayaa lagasoo sheegayaa gobollada wadanka Itoobiya xilli melleteriga wadankaas ay sii wadaan holwgallada ka dhanka ah kooxaha mucaaradka ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaallo dad badan ay ku dhinteen ayaa lagasoo sheegayaa gobollada wadanka Itoobiya xilli melleteriga wadankaas ay sii wadaan holwgallada ka dhanka ah kooxaha mucaaradka ah.



Wararka ka imaanaya gobolka Oromia ayaa sheegaya in tobanaan qof ay dhinteen kuwa kalane ay dhaawacmeen kadib markii dagaal hubeysan uu ka dhax qarxay ciidamada melleteriga iyo jabhado hubaysan.

Saraakiisha mucaaradka qowmiyadda Oromada ayaa sheegay in ciidamada Federaaliga Xabashida ay geysanayaan gummaad ka dhan ah shacabka Oromada.

Melleteriga ayaa gudaha ugalay illaa 10 magaalo oo ku hareeraysan Addis Ababa halkaas oo ay xasuuq ka geysanayaan "dowladda Itoobiya waxay gowracaysaa shacabka Oromada, melleteriga ayaa lagu fasaxay magaalooyinka ay ka socdaan kacdoonnada waxaana ladamiyay isgaarsiinta iyo Internetka si aan loo ogaan xaqiida" sidaas waxaa yiri hoggaamiye katirsan mucaaradka dibad joogga ah.



Shabakadda ONA ee afka qowmiyadda Oromada ku hadasha ayaa baraha bulshada ku baahisay sawirro iyo muuqaallo muujinayay burburka baaxadda leh ee ka dhashay dagaalladii ka dhacay magaalada Shashabane.

Melleteriga iyo Booliska oo iskaashanaya ayaa la sheegay in Shashabane ay ka galeen dagaal dad badan ay ku dhinteen, muuqaalada waxaa laga dheegan karay burburka magaalada gaaray.

Warar kale ayaa sheegaya in dagaalka waddooyinka uu ka socdo dhowr degmo oo ku dhow magaalada Addis Ababa, dowladda Xabashida ayaa aad uga gaabsanaysa in ay ka hadasho xasuuqa ay ciidamadeedu ugeysanayaan Oromada oo ubadan muslimiin

Hoos ka daawo Video iyo sawirro


No photo description available.
Image may contain: car, tree and outdoor
No photo description available.
Image may contain: sky and outdoor
No photo description available.
Image may contain: sky and outdoor
Image may contain: outdoor

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items