Dowladda Itoobiya oo qaadday Tallaab halis ku ah Masar iyo Suudaan.

Wednesday July 15, 2020 - 19:19:07 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Itoobiya oo qaadday Tallaab halis ku ah Masar iyo Suudaan.

    Dowladda Itoobiya ayaa si rasmi ah ubilaawday buuxinta waaskooyinka biya xireenka weyn ee Al Nahda oo ah midka koowaad ee ugu weyn qaaradda Afrika.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Itoobiya ayaa si rasmi ah ubilaawday buuxinta waaskooyinka biya xireenka weyn ee Al Nahda oo ah midka koowaad ee ugu weyn qaaradda Afrika.


Wasiirka waraabka iyo biyaha Itoobiya ninka lagu magacaabo Silesi Baqli ayaa magaalada Addis Ababa ka sheegay in ay rumowday riyadii shacabka Itoobiya sida uu hadalka udhigay.

"Waxaan bilaawnay biya buuxinta biya xireenka illaa iyo hadda waxaa sadka lagu shubay biya dhan 4.9 Milyaar mitir kiyuubig" sidaas waxaa yii wasiirka waraabka Itoobiya.

Xukuumadda Addis Ababa oo iska indha tiraysa khilaafka kala dhaxeeya Masar iyo Suudaan ayaa ku faantay xaqiijinta rabitaanka shacabka Itoobiya waxayna saadaalisay in dhowaan ay soo saari doonto Koronto macaash leh oo ay dibadda udhoofin doonto.


Arrintan ayaa imaanaysa xilli shalay ay fashilmeen dhammaan wadahadalladii lagu doonayay in xal looga gaaro khilaafka ka dhashay biya xireenka weyn ee Itoobiya ka dhisayso Webiga Niilka Buluuga oo ah midka ugu muhiisan ee biyaha siiya wadamada Masar iyo Suudaan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]


Related Items