Sawir:Xasan Gurguurte iyo Bashiir Axmed Salad oo Ka Qeybgalay Munaasabad Lagu Xusayay Rididdii Khilaafada Islaamka Cuthmaaniyiinta.

Wednesday October 29, 2014 - 10:27:00 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawir:Xasan Gurguurte iyo Bashiir Axmed Salad oo Ka Qeybgalay Munaasabad Lagu Xusayay Rididdii Khilaafada Islaamka Cuthmaaniyiinta.

    Hoggaamiyaha DF-ka ee dabadhilifka u ah shisheeyaha Soomaaliya kusoo duulay ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu weynaynayay rididii khilaafada islaamka ee burburtay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xasan Sheekh oo ka qeyb gelaya Munaasabad Safaaradda Turkiga ee Muqdisho ka dhacday
Hoggaamiyaha DF-ka ee dabadhilifka u ah shisheeyaha Soomaaliya kusoo duulay ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu weynaynayay rididii khilaafada islaamka ee burburtay.

Munaasabad ka dhacday safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho oo ay soo qaban qaabiyeen saraakiisha Atraakta ee qeybta ka ah duullaanka Soomaaliya ayaa lagu marti qaaday mas’uuliyiin katirsan DF-ka iyo saraakiisha ciidanka calooshood u shaqeystayaasha AMISOM.

Xasan Sheekh Maxamuud oo munaasabadda ka qeyb galay ayaa sheegay in maamulkiisu ku faraxsanyahay 91-guuradii kasoo wareegtay rididdii dowladdii islaamiga Custhmaaniyiinta iyo dhidiba utaagidda maamulkii Kufriga ee uu madaxda u ahaa Attaatorki.


"Shacabka Turkiga waan ugu hambalyaynaynaa 91-guuradii kasoo wareegtay aas-aasidda Jamhuuriyadda Turkiga runtii waa farxad weyn oo in laxuso mudan”ayuu yiri Xasan Gurguurte.

Maxaa loola jeedaa aas-aasidda Jamhuuriyadda Turkiga?.

Sanaddii 1921 ayuu Mustafa Kamal Attatorki oo ahaa sarkaal calmaani ah wuxuu riday khilaafadii islaamka ee dowladdii Cuthmaaniyiinta kadibna wuxuu dhisay dowlad kufri calmaani ah isagoo ubixiyay "Jamhuuriyadda calmaaniga Turkiga”.

Attatorki ayaa dhulkii ay dowladdii cuthmaaniga ka talinaysay ka dhigay dhul lagu maamulo mabaadii’da calmaaniga wuxuuna si daran ula dagaalamay islaamka iyo muslimiinta,tallaabooyinka foosha xun ee uu qaaday waxaa kamid ahaa in Masjidka weyn ee Ayaasoofiya uu ubedelay matxaf qaran!,sidoo kale wuuxuu amar ku bixiyay in aadaanka salaadaha luqadda Turkiga laga dhigo.

Wuxuu yareeyay guurka isagoo faray in raggu aysan guursan Karin wax hal xaas ka badan,wixii xilligaasi ka dambeeyay Turkiya waxay qarka ufuurshay in dadka muslimiinta ah lagaaleysiiyo waxaana wadanka ka nabaad guuray dhaqamadii islaamka inkastoo sanadadii dambe ay soo wanaagsasho jirtay.

Bashiir Axmed Salaad oo udbaal-degga Rididda Khilaafka Islaamka udaabl degay.

Hoggaamiyaha Ururka Al Ictisaam Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa isna ka qeybgalay munaasabadda loogu dabaal degayay burburinta khilaafadii islaamka.

Wadaadkan kamid ah Zanaadiqada Soomaaliya ayaa hareer fadhiyay xildhibaano iyo saraakiil katirsan DF-ka wuxuuna muujinayay sida uu ugu faraxsanyahay unkiyadda waxa loogu yeero "Jamhuuriyadda Turkiya” oo macnaheedu yahay "Rididda Khilaafadii Islaamka.

Qof Wadaad sheeganaya islamarkaana faafinaya dacwada islaamka kama qeybgeli karo madal lagu maamusayo burburintii dowladda Islaamka taasi bedelkeed waxay aheyd in uu usacyiyo sidii loola dagaalami lahaa afkaaraha calmaaniyadda iyo dhibka ay ku heyso islaamka iyo muslimiinta.
http://im68.gulfup.com/f441MU.jpg
Al Ictisaam ayaa si toos ah ugu biirtay siyaasadda dabadhilifnimada ku dhisan ee Soomaaliya iyadoona wadaada xumayaasha Ururkaasi ay lataliyayaal uyihiin maamullada Itoobiya la shaqeeya ee dalka kajira.

Xasan Gurguurte wuxuu xoojiyay dabadhilifnimadiisa!.

Shacabka soomaaliyeed oo ah muslimiin sunniga ah ayaa sanadadii dambe duullaan dhanka akhlaaqda ah kala kulmayay dowladda Turkiga oo dalka kusoo gashay iyadoo marmarsiiyo kaga dhiganaysa  faragelinteeda qaawan"Gargaar bani’aadanimo”.

Sida muuqata Xasan Gurguurte ayaa ah Nin uceynsan shisheeyaha isagoo tallaab walba oo uu qaadayo u eegaya raalligelinta wadamada shisheeye,sanad ka hor ayay madaxda DF-ka ka qeybgaleen munaasabad lagu xusayay qabsashadii Itoobiya ee dhulka soomaaligalbeed.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items