Ganacsade Soomaali ah oo lagu dilay deegaanka Retreat.

Thursday July 16, 2020 - 12:28:22 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ganacsade Soomaali ah oo lagu dilay deegaanka Retreat.

    Dalka Koonfur Afrika waxaa wali kasii socda weerarada lagu beegsanayo ganacsatada Soomaaliyeed ee wadankaasi ka shaqeysta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dalka Koonfur Afrika waxaa wali kasii socda weerarada lagu beegsanayo ganacsatada Soomaaliyeed ee wadankaasi ka shaqeysta.

Wararka ka imaanaya magaalada Cape Town ayaa sheegaya in kooxo burcad Koonfur Afrikaan ah ay halkaas ku dileen mid kamida ganacsatada ugu firfircoon Koonfur Afrika islamarkaana si aad ah looga yaqiinay wadanka.

Guddiga Jaaliyadda Soomaalida South Afrika ayaa war uusoo saaray ku sheegay in kooxo burcad ah ay xalay dileen ganacsade Axmed Xuseen Caddoow kaasi oo dukaan ganacsi ku lahaa tuulada Retreat ee hoostagta magaalada Cape Town.

Dilka Axmed ayaa qeyb ah tobanaan qof Soomaali ah oo sanadkaan gudihiisa lagu dilay gobollada kala dywan ee wadanka Koonfur Afrika, kooxaha burcadda ah ee ugaarsiga ku haya ganacsatada Soomaalida ayaa badanaa boob ugeysta hantida taal dukaamada.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items