Qaraxyo khasaara lagu gaarsiiyay ciidamo Kenyaan iyo Burundeys ah oo ka dhacay Gaarisa iyo Sh/dhexe.

Saturday July 18, 2020 - 07:36:34 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaraxyo khasaara lagu gaarsiiyay ciidamo Kenyaan iyo Burundeys ah oo ka dhacay Gaarisa iyo Sh/dhexe.

    Wararka ka imaanaya gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in qarax khasaara dhaliyay ciidamada shisheeyaha AMISOM lagula beegsaday deegaan ku dhow degmada Mahadaay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in qarax khasaara dhaliyay ciidamada shisheeyaha AMISOM lagula beegsaday deegaan ku dhow degmada Mahadaay.


Ugu yaraan 2 askari oo katirsan ciidamada Burundi ayaa ku dhintay qarax askar lugaynaysay lagula beegsaday deegaanka Buurane oo qiyaastii 3Km ujira degmada Mahadaay.

Dhinaca kale weerar ka dhacay deegaanka Faafi ee gobolka Gaarisa ayaa lagu beegsaday ciidamo katirsan booliska Kenya.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in qarax miino lala helay gaari dagaal oo ay wateen ciidamo booliska waxaana jira burbur xooggan oo gaariga gaaray, illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin dowladda Kenya oo ku aadan khasaaraha qaraxan ka dhashay.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items