Shacabka Suudaan oo dhigay dibad baxyo ay ku difaacayaan Diinta Islaamka.

Saturday July 18, 2020 - 08:26:18 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shacabka Suudaan oo dhigay dibad baxyo ay ku difaacayaan Diinta Islaamka.

    Kumanaan kun oo shacab muslimiin ah ayaa mudaaharaadyo ka dhigay gobollada kala duwan ee wadanka Suudaan ee dhaca bariga qaaradda Afrika.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kumanaan kun oo shacab muslimiin ah ayaa mudaaharaadyo ka dhigay gobollada kala duwan ee wadanka Suudaan ee dhaca bariga qaaradda Afrika.

Mudaaharaadyada ugu ballaaran waxay gilgleen gobollada kala ah Shandi oo waqooyiga dhaca iyo Kasala oo Bariga dhaxa.

Dadka iskusoo baxyada dhigaya ayaa kasoo horjeeday qawaaniin gaaleedyo ka dhan ah shareecada Islaamka, xukuumadda dabadhilifka Suudaan ayay ugu baaqeen in ay laasho go'aanada halista ee ay dhowaan soo saartay.

"lama bedeli karo sharciga Alle mana laga laaban karo Xuduuda Alle" ayay ku dhawaaqayeen muslimiinta dibad baxyada dhigayay,

Muslimiinta Suudaan waxay sheegeen in dastuurka umadda ay yihiin Sunada iyo Kitaabka  oo ah mid wax walba oo mushkilad ah lagu xallin karo, boorar lagu xardhay erayo ay kamid yihiin 'Shacabkani waa shacab muslim ah, dastuurkeenu waa kitaabka Qur'aanka iyo sunnada".

Isbedel dhowaan lagu sameeyay dastuurka udegsan dowladda Suudaan ayaa si toos ah uburinayay shareecada Islaamka sida dastuurka oo ogolaanaya dhillaysiga,cabidda iyo ka ganacsiga Khamriga iyo Xadka Ridada oo gabi ahaantiisba la baabi'iyay.

dhammaan golayaasha xukuumadda dabadhilifka Suudaan ayaa meel mariyay xeer gaaleedkan xalaal ka dhigaya wixii shareecadu xaaraan ka dhigtay,

Magaalooyinka waaweyn ee dalka Suudaan ayay ka socdaan kulamo ay culimada iyo bulshada qeybaheeda kala duwan uga jawaab celinayaan kufriyaatka ay caddeysatay xukuumadda KMG ah ee wadankaasi ka jirta.

Xukumadda Khurduum oo isku dayaysa in ay raaligeliso Mareykanka iyo xulufadiisa ayaa qaadatay go'aamadan halista ku ah diinta islaamka waxaana xusid mudan in shacabka Suudaan aysan sidii larabay uga dhiidhin xumaantan.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items