Dhuusamareeb oo laciir ciiraysa ciidamo kala taabacsan Farmaajo iyo hoggaamiyaasha Maamul goboleedyada.

Saturday July 18, 2020 - 10:53:29 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Dhuusamareeb oo laciir ciiraysa ciidamo kala taabacsan Farmaajo iyo hoggaamiyaasha Maamul goboleedyada.

    Mas'uuliyiinta ugu sarraysa dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada ayaa markale isugu tagaya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta u ah gobolka Galguduud.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mas'uuliyiinta ugu sarraysa dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada ayaa markale isugu tagaya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta u ah gobolka Galguduud.


Boqolaal askari oo katirsan ilaalada gaarka ah ee Madaxweyne Farmaajo ayaa gaaray Dhuusamareeb si ay ammaankiisa u sugaan, ciidamadan oo ah kuwa Koofiya casta loo yaqaan ayaa diyaarado lagu geeyay xarunta gobolka Galguduud.

Waxaa magaalada horay ugusii sugnaa boqolaal askari oo ilaala u ah Axmed Madoobe iyo Saciid Deni kuwaas oo khilaaf kala dhaxeeyo Villa Somalia.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Xasan Cali Kheyre iyo madaxda maamul goboleedyada oo maalmahan ku sugnaa Garoowe ay dib ugu laaban doonaan Dhuusamareeb oo galabta uu ku wajahanyahay Farmaajo.


Kulan xasaasi ah oo go'aan looga gaarayo waqtiga ay dhacayso doorashada madaxtinimada dowladda Federaalka ayaa lafilayaa in berri uu ka furmo Dhuusamareeb wuxuuse khilaaf ka jiraa cidda kulankaas hoggaamin doonta.

Warar soo baxay waxay sheegayaan in Farmaajo laga diiday hoggaaminta shirka  kadib cabasho ka timid hoggaamiyaasha maamul goboleedyada waxayna ubadantahay in Qoorqoor uu shirka guddoomiyo.

Khilaafka udhaxeeya maamul goboleedyada iyo Farmaajo ayaa wali sidiisi ah inkastoo Xasan Cali Kheyre uu umuuqdo in uu ujanjeero dhanka Saciid Deni iyo Axmed Madoobe.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items