Cudurka Carona oo halaag hor leh ka geysanaya dalka Mareykanka.

Saturday July 18, 2020 - 11:00:41 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cudurka Carona oo halaag hor leh ka geysanaya dalka Mareykanka.

    Caabuqa halista ah ee Carona Virus ayaa wali si xowlli ah ugusii dhax faafaya bulshada Mareykanka islamarkaana geysanaya gummaad baaxad leh.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Caabuqa halista ah ee Carona Virus ayaa wali si xowlli ah ugusii dhax faafaya bulshada Mareykanka islamarkaana geysanaya gummaad baaxad leh.


Wararka ka imaanaya wadanka Mareykanka ayaa sheegaya in shalay oo kaliya  cudurkan uu asiibay dad ka badan 70 kun oo ruux.

Jaamacadda caafimaadka Johns Hopkins ayaa tirakoob ay soo saartay ku sheegtay in 77 kun oo ruux ay shalay noqdeen bukaanno la dhiban caabuqa Covid19 halka dhimashadu ay gaartay 927 ruux.

Wararka ayaa intaas ku daraya in 33 kamid ah gobollada Mareykanka ay ka jirto xaalad adag oo dhanka caabuqa Covid19 ah, madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in aan shacabka Americanka ah lagu qasbi karin xirashada Maaskada afka iyo sanka looga xirto Carona Virus.


Wasaaradda caafimaadka Mareykanka ayaa dhowaan soo saartay amar laduldhigayo dadka ku dhaqan gobollada ladhiban Carona Virus waxaana lafaray in ay xirtaan maaskada cudurka looga gaashaanto, dalka Mareykanka ayaa wali kaalinta koowaad ku jira waana dalka ugu horreeya ee cudurkan safmarka ah uu dhimashada ugu badan ka geystay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items