Abiy Axmed oo booqasho kedis ah ku tagay Asmar xilli ay Itoobiya qasantahay.

Saturday July 18, 2020 - 17:32:40 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Abiy Axmed oo booqasho kedis ah ku tagay Asmar xilli ay Itoobiya qasantahay.

    Abiy Axmed ayaa socdaal lama filaan ah ku tagay magaalada Asmara ee caasimadda wadanka Eritrea.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Abiy Axmed ayaa socdaal lama filaan ah ku tagay magaalada Asmara ee caasimadda wadanka Eritrea.


Warbaahinta ku hadasha Afka dowladda Xabashida Itoobiya ayaa maanta barqadii baahisay muuqaallo muujinaya Abiy Axmed oo isagoo xiran maaskada looga gaashaanto Carona Virus ka degaya garoonka diyaaradaha Asmara.

Isais Afwerki ayaa R/wasaaraha Itoobiya munaasabad soo dhoweyn ah ugu sameeyay Asmara, lama oga waxa uu salka ku hayo socdaalka Abiy Axmed ee dalka Eritrea.

Dowladaha Itoobiya iyo Eritrea ayaa sanadadii lasoo dhaafay waday wax ay ugu yeereen midaynta wadamada bariga Afrika arrinkaas oo dhaliyay shaki laga qabo in labadan dal ay doonayaan sidii ay uboobi lahaayeen kheyraadka dhax ceegaaga Soomaaliya.


Socdaalka Abiy ee Eritrea wuxuu imaanayaa xilli dagaallo iyo rabshado dhiig badan ku daatay ay ka socdaalka dalka Itoobiya, kooxaha mucaaradka qowmiyadda Oromada ayaa horay u sheegay in Xukuumadda Addis Ababa ay maciin bidi doonto adeegsiga ciidamo Ereteriyaan ah si ay udambiso kacdoonka shacbiga ah ee wadankaas gilgilay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items