Mas'uul katirsanaa maamulka Koonfur galbeed oo Waajid lagu dilay iyo weeraro ka dhacay Diinsoor.

Sunday July 19, 2020 - 08:00:11 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mas'uul katirsanaa maamulka Koonfur galbeed oo Waajid lagu dilay iyo weeraro ka dhacay Diinsoor.

    Wararka ka imaanaya gobollada Bay iyo Bakool ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay ay weeraro xooggan ka dhaceen degmooyin kujira gacanta ciidamada Xabashida Itoobiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobollada Bay iyo Bakool ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay ay weeraro xooggan ka dhaceen degmooyin kujira gacanta ciidamada Xabashida Itoobiya.


Dagaalyahannado katirsan Al Shabaab ayaa gudaha degmada Waajid ee gobolka Bakool ka fuliyay weerar qorshaysan waxayna ku dileen mid kamida mas'uuliyiinta maamulka Bakool.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in weerarka lagu dilay Cabdullaahi Weydoow oo wadashaqeyn dhow lalahaa ciidamada Xabashida Itoobiay ee saldhigga ku leh degmada Waajid.


Mas'uulka ladilay ayaa la sheegay in uu dhibaato ugeysan jiray shacabka ku dhaqan Waajid iyo hareeraheeda isagoo ciidamada Itoobiyaanka u adeegsan jiray qofkii amarkiisa ka horyimaada.

Dhinaca kale ciidamo aad u hubaysan oo katirsan Al Shabaab ayaa xalay fiidkii weerar culus ku qaaday saldhig ay maleeshiyaadka maamulka Koonfur galbeed ku lahaayeen gudaha degmada Diinsoor ee gobolka Baay.

Weerarka oo   in mudda ah socday ayaa khasaara dhimasho iyo dhaawac leh lagu gaarsiiyay ciidamada maamulka, sidoo kale qarax miino ayaa saaka aroortii lagu weeraray isla ciidamo katirsan Koonfur galbeed oo gudaha Diinsoor ku lugeynayay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items