Wasiir isku day dil ka badbaaday iyo saldhigga ciidanka Itoobiya ee Halgan oo weerar lakulmay.

Sunday July 19, 2020 - 07:59:34 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir isku day dil ka badbaaday iyo saldhigga ciidanka Itoobiya ee Halgan oo weerar lakulmay.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xalay fiidkii ka dhacay bartamaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore qarax muqdisho ka dhacay
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xalay fiidkii ka dhacay bartamaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.


Qaraxa oo beegsaday gaari uu lahaa wasiir katirsan xukuumadda Kheyre ayaa dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhawaac ah.

Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in qaraxa uu si dirqi ah uga badbaaday Cabdi Naasir Siciid Muuse oo sh wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga gudaha dowladda Farmaajo.

Ugu yaraan hal askari oo ilaala u ahaa wasiirka badbaaday ayaa la sheegay in uu qaraxa ku dhintay islamarkaana sedax kale ay dhaawacyo kasoo gaareen, qaraxyada miino ee lagu beegsanayo gaadiidka madaxda dowladda ayaa bishan gudaheeda kusoo badanayay wadada Makka Al Mukarrama ee magaalada Muqdisho.


Dhinaca kale dagaalyahanada Al Shabaab ayaa markale weerar culus ku qaaday saldhigga ciidamada Xabashida Itoobiya ay ku leeyihiin deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan.

Wararka ka imaanaya bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in xalay fiidkii uu weeraro aad u xooggan lakulmay saldhigga Itoobiyaanka ee Halgan, dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen hugunka madaafiic iyo rasaas ay labada dhinac isweydaarsanayeen

Related Items