Wasiir saaxiib la ahaa Madaxweynihii hore ee Al Jazaa'ir oo Carona udhintay.

Sunday July 19, 2020 - 16:30:34 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Wasiir saaxiib la ahaa Madaxweynihii hore ee Al Jazaa'ir oo Carona udhintay.

    Mid kamida wasiiradii ugu saameynta badnaa dalka Aljazaa'ir ayaa si lama filaan ah ugu dhax geeriyooday xabsi uu ku xirnaa sida ay xaqiijiyeen ehelkiisa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawirka wasiirka dhintay
Mid kamida wasiiradii ugu saameynta badnaa dalka Aljazaa'ir ayaa si lama filaan ah ugu dhax geeriyooday xabsi uu ku xirnaa sida ay xaqiijiyeen ehelkiisa.



Muusa Bin Xamaadi oo ahaa wasiirkii isgaarsiinta dowladdii Cabdi Caziiz Botafaliiqa ayaa ugeeriyooda cudurka dilaaga Carona Virus xilli uu ku xirnaa xabsi amnigiisa si aad ah loo ilaaliyo oo kuyaal magaalada caasimadd ah ee Aljazaa'ir.

Wasiirka dhintay ayaa jeelka loo dhaadhiciyay bishii september ee sanaddii 2019 xilligaas oo kacdoon lagu riday nidaamkii Botafaliiqa, Muusa Bin Xamaadi ayaa ku eedaysnaa musuq maasuq iyo xadidda hanti dowladeed.



Maxkamadda dabmiyada Aljazaa'ir ayaa qorshaynaysay in wasiirka dhintay iyo kaaliyaashii Botafaliiqa lagu qaado dacwado dhowr ah oo ku saabsan musuq maasuq iyo tacadiyo ka dhan ah shacabkii dhigayay kacdoonadii ka dhanka ahaa maamulkii hore.

Wararka ayaa intaas ku daraya in afartii bishan July uu cudurka Carona asiibay Muuse Bin Xamaadi balse markii dambe uu udhintay, wadanka aljazaa'ir ee dhaca waqooyiga qaaradda Afrika ayaa safka hore uga jira wadamada ladhiban caabuqa covid19 ee dhaca qaaradda Afrika.

Related Items