Farmaajo iyo Axmed Madoobe oo kulan hordhac ah ku yeesha Dhuusamareeb.

Sunday July 19, 2020 - 16:35:33 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Farmaajo iyo Axmed Madoobe oo kulan hordhac ah ku yeesha Dhuusamareeb.

    Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in kulankii ugu horreeyay uu sanadkan dhaxmaray Axmed Madoobe iyo Farmaajo oo khilaaf xooggan uu ka dhaxeeyay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in kulankii ugu horreeyay uu sanadkan dhaxmaray Axmed Madoobe iyo Farmaajo oo khilaaf xooggan uu ka dhaxeeyay.


Warqoraal ah oo kasoo baxay maamulka isku magacaabay Jubbaland ayaa lagu sheegay in kulanka labada nin dhaxmaray uu gogol xaar u ahaa shirka ka furmi doono magaalada Dhuusamareeb.

Maamulka Axmed Madoobe ayaa caddeeyay in is aragii maanta uu ahaa salaan iyo kala warqaadasho kaliya islamarkaana aan lagusoo hadal qaadin khilaafka udhaxeeya labada dhinac.

Dowladda Farmaajo ayaa tan iyo sanaddii 2019 wadday guluf dagaaleed ay ku doonaysay in ay ku maja xaabiso maamulka 'Jubbaland' ee daacadda u ah dowladda Kenya, maleeshiyaad Muqdisho diyaarado looga daabulay ayaa qabsaday degmooyin katirsan gobolka Gedo oo horay u hoos tagi jiray Axmed Madoobe.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items