Askari hubaysan oo 5 qof ku dilay degmada Wardhiigleey ee magaalada Muqdisho.

Sunday July 19, 2020 - 19:10:23 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 2
  • Share via Social Media

    Askari hubaysan oo 5 qof ku dilay degmada Wardhiigleey ee magaalada Muqdisho.

    Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay toogasho uu askari katirsan ciidamada booliska dowladda uu markale ka geystay gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay toogasho uu askari katirsan ciidamada booliska dowladda uu markale ka geystay gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.


Ugu yaraan 5 qof ayaa dhimatay 9 kalane dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib markii nin ku hubaysan qori Ak47 ah uu weerar ku qaaday guri kuyaal xaafadda Masjidka Xaaji Yuusuf ee degmada Wardhiigleey.

Goobta weerarku ka dhacay waxaa ku sugnaa Sixiroolayaal iyo kuwa tuma waxa loogu yeero Mingiska sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Xilligii uu weerarku dhacayay waxaa guriga ku sugnaa dad Alle ku caasiyay oo tumayay Mingiska, warar hordhac ah ayaa sheegaya in askariga  toogashada geystay uu sarkhaansanaa kadib markii uu isticmaalay Maandooriya sida uu sheegay Afhayeenka ciidamada booliska dowladda Farmaajo.


Bishaan gudaheeda askari katirsan ciidamada dowladda Federaalka ayaa sidaan oo kale dad ugu laayay deegaanka Tabeelaha Sheekh Ibraahim ee duleedka magaalada Muqdisho

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items