Dowladda Masar oo ku hanjabtay in aysan gacmaha ka laaban doonin biya xireenka ay Itoobiya ka dhisayso Webiga Niil.

Sunday July 19, 2020 - 19:09:23 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Masar oo ku hanjabtay in aysan gacmaha ka laaban doonin biya xireenka ay Itoobiya ka dhisayso Webiga Niil.

    Khilaafka ka taagan biya xireenka ay Itoobiya ka dhisayso wabiga Niil ee qaaradda Afrika ayaa waliga taagan waxaana sii xumaanaya xiriirka ka dhaxeeya sedaxda dowladood ee sida aadka ah uga faa'iidaysa biyaha wabigan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khilaafka ka taagan biya xireenka ay Itoobiya ka dhisayso wabiga Niil ee qaaradda Afrika ayaa waliga taagan waxaana sii xumaanaya xiriirka ka dhaxeeya sedaxda dowladood ee sida aadka ah uga faa'iidaysa biyaha wabigan.



Dowladda Masar ayaa ku dhawaaqday in ay si adag udifaacan doonto qeybta ay ku leedahay biyaha wabiga Niil.

Wasiirk waraabka iyo biyaha dowlada Masar oo kalimad ka hor jeedinayay golaha baarlamaanka wadankiisa ayaa sheegay in aysan marnaba gorgortan ka geli doonin arrinta biyaha Niil "Marnaba gacmaha kama laaban doono arrinta biyaha wabiga Niil" sidaas waxaa yiri wasiirka Waraabka Masar.

Dhinaca kale war kasoo baxay golaha Ammaanka Qaranka Masar ayaa lagu sheegay in dhow ay ula socdaan arrinta khilaafka biya xireenka Al Nahda.



Wakaaladda wararka ufaafisa Masar ee Asharqal Awsat oo soo xiganaysa madaxtooyada Masar ayaa sheegtay in Cabdi Fataax Alsiisi uu kulan la yeeshay dhammmaan laamaha ammaanka uuna lasoo qaaday arrimaha gudaha iyo dibadda oo dhammaantood khuseeya qadiyadaha ammaanka Masar.

Masar ayaa horay usheegtay in Q.Midoobay ay ugudbisay arrinta khilaafka ka taagan biya xireenka weyn ee dowladda Itoobiya ay ka duldhisayso wabiga Niilka Buluugga ah.

Dhinaca kale ururka Midowga Afrika ayaa ku dhawaaqay in uu qabanayo shir degdeg ah oo looga arrinsanayo xaaladda biya xireenka Al nahda, Madaxa ururka Midowga Afrika ayaa war uu saaray ku sheegay in ay qabanayaan shir gaaban oo ay isugu keenayaan hoggaamiyaasha dowladaha Masar.Itoobiya iyo suudaan.

Shirkan oo dhici doona bishan gudaheeda ayaa dowladaha is haya loogusoo gudbin doonaa wixii kasoo baxay daraasad uu ururka midowga Afrika ku sameeyay xiisadda ka taagan biya xireenka Alnahda oo haddii ladhameystiro noqon doona midka ugu weyn qaaradda afrika iyo midka 10aad ee caalamka ugu weyn.

wasiirka waraabka xukuumadda Suudaan ayaa sheegay in wadankiisa uusan saameyn sidaas uweyn kuyeelan doonin haddii Itoobiya ay buuxiso waaskooyinka biya xireenka.

Yaasir Cabaas oo wareysi siinayay Raadiyaha ku hadla afka dowladda Suudaan ayaa sheegay in tasarufaadka halka dhinac ah ee ka imaanaya dhanka itoobiya uu khilaafsanyahay dhammaan qodobadii ay dhinacyadu horay ugu heshiiyeen.

Xiisadaha udhaxeeya sedaxdan dowladood ayaa isbuucii lasoo dhaafay cirka iskusii shareeray kadib markii ay xukuumadda Addis Ababa iclaamisay in ay bilaawday biya buuxinta Al nahda

Related Items