Mas'uul katirsan maamulka Shabeelaha Hoose oo lagu weeraray degmada Janaale.

Monday July 20, 2020 - 11:18:46 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Mas'uul katirsan maamulka Shabeelaha Hoose oo lagu weeraray degmada Janaale.

    Xoogagga Al Shabaab ayaa markale weerar qorshaysan ka fuliyay deegaanno katirsan gobolka Sh/hoose ee dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogagga Al Shabaab ayaa markale weerar qorshaysan ka fuliyay deegaanno katirsan gobolka Sh/hoose ee dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya.


Wararka ka imaanaya degmada Janaale ayaa sheegaya  in weerar qorshaysan xalay fiikii lagu qaaday guri uu ku sugnaa mas'uul katirsan maamulka degmadaasi.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in isku day dil uu ka badbaaday madaxa amniga iyo arrimaha bulshada degmada Janaale, dadka deegaanka ayaa sheegay in iska hor'imaad xooggan uu dhaxmaray xoogaga weerarka qaaday iyo ciidamo ilaala u ahaa mas'uulka laweeraray.

Xilligii uu weerarku dhacayay ayay guddoomiyaha iyo ciidamo ilaala u ah Maandooriyaha khaatka ku cunayeen guri kuyaalla degmada Janaale, dhinaca kale weeraro saf ballaaran ah ayaa lagu qaaday saldhigyo ay maleeshiyaadka dowladda uga suganyihiin deegaanka Sabiid ee duleedka degmada Afgooye.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items