Melleteriga Liibiya oo kulaalaya magaalooyinka Sirta iyo Aljufrah.

Monday July 20, 2020 - 12:21:38 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Melleteriga Liibiya oo kulaalaya magaalooyinka Sirta iyo Aljufrah.

    Wararka ka imaanaya wadanka Liibiya ayaa sheegaya in xiisada colaadeed ay markale dib uga oogmeen magaalooyinka dhaca bariga wadankaas oo ay dullaan ku yihiin ciidamada xukuumadda Alwifaaq.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Liibiya ayaa sheegaya in xiisada colaadeed ay markale dib uga oogmeen magaalooyinka dhaca bariga wadankaas oo ay dullaan ku yihiin ciidamada xukuumadda Alwifaaq.


Afhayeen uhadlay taliska ciidamada melleteriga dowladda Liibiya oo lagu magacaabo Mustafa Al Majmaci ayaa warbaahinta u sheegay in ay dhammeystireen abaabulkii melleteri ee ay ku qaadi lahaayeen duullaanka ka dhanka ah maleeshiyaadka Khaliifa Xaftar ee haysta Bariga Liibiya.

Wuxuu sheegay in kumanaan askari iyo saanad melletetri ay ku daad gureeyeen hareeraha galbeed ee magaalada Sirta oo qiyaastii 450KM dhanka bari uga beegan magaalada caasimadda ah ee Daraabulis.


Wariyaal ayaa soo sheegay in diyaarado nuuca Drone-ka ah oo dowladda Turkiga Liibiya geysay ay gaareen jiidda dagaalka ee Sirta, xukuumadda Alwifaaq waxay ku goodinaysaa in ciidamadeedu ay qabsan doonaan dhammaan dhulka hodonka ku ah ceelasha naftada iyo magaalooyinka leh dekadaha shidaalka laga dhoofiyo.

dhaq dhaqaaqayadan melleteri ee lagasoo sheegayo Bariga Liibiya ayaa imaanay xilli ay 'beesha caalamka' ugu baaqday dhinacyada wadankaas isku haya in ay qaab siyaasadeed ku xalliyaan colaadda udhaxaysa.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]


Related Items