Ganacsatada magaalada Laascaanood oo dhigay dibad baxyo cabasho ah.

Monday July 20, 2020 - 17:12:50 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ganacsatada magaalada Laascaanood oo dhigay dibad baxyo cabasho ah.

    Dibad baxyo rabshado wata ayaa maanta ka dhacay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dibad baxyo rabshado wata ayaa maanta ka dhacay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.


Wararka ka imaanaya Sool ayaa sheegaya in inta badan ganacsiga magaalada Laascaanood uu maanta hakad kujiray kadib markii ay ganacsatada magaaladaas dhigeen iskuso baxyo cabasha ah.

Darawallada kaxeeya gaadiidka Moota Bajaajka ayaa qeyb ka ahaa dadkii dibad baxyada dhigayay waxayna ka cabanayeen lacago canshuuro xad-dhaaf ah oo uu soo rogay maamulka isku magacaabay Somaliland.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in ciidamada Booliska maamulka magaalada ay dadka iskusoo baxyada dhigayay ay xoog ku kala eryeen, qaar kamid ah waddooyinka magaalada Laascaanood ayaa ahaa kuwa haawanaya.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
s[email protected]

Related Items