Banki-Moon oo Booqday Xerada Xalane iyo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Wednesday October 29, 2014 - 17:10:54 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Banki-Moon oo Booqday Xerada Xalane iyo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

    Xoghayaha guud ee waxa loogu yeero Q.Midoobe Banki-Moon iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta booqasho ku yimid magaalada Muqdisho xilli ammaanku uu faraha kasii baxayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoghayaha guud ee waxa loogu yeero Q.Midoobe Banki-Moon iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta booqasho ku yimid magaalada Muqdisho xilli ammaanku uu faraha kasii baxayo.

Kumanaan katirsan ciidamada shisheeyaha AMISOM iyo kuwa DF-ka ayaa xiray waddooyinka magaalada Muqdisho iyadoona la arkayay ciidanka oo gaadiidka dadweynaha udiidaya isticmaalka waddooyinka muhiimka ah sida wadada aadda garoonka diyaaradaha.

Banki-Moon iyo wafdigiisa ayaan soo dhaafin garoonka diyaaradaha iyo Xerada Xalane oo xarun u ah shisheeyaha AMISOM iyo shirkadaha reer galbeedka ee Soomaaliya kusoo duulay.

Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cabdi Sheekh ayaa Banki-Moon kula kulmay Xerada Xalane waxaana la arkayay saraakiil caddaan ah oo gudaha Xalane lataagan Banki-moon.


Ilo wareedyo ayaa sheegaya in socdaalka Mas’uulkan ugu sareeya UN-ka uu salka ku hayo sidii uu saraakiisha ciidamada Shisheeye sharaxaad ugu siinlahaa qorshaha waxa loogu yeero beesha caalamka ka damacsanyihiin Soomaaliya iyadoona lafilayo in sanadda 2016-ka ay ciidanka AMISOM ka baxaan dalka.

Socdaalka Baadari Banki-Moon ayaa kusoo aadaya xilli khilaaf baaxad leh uu udhaxeeyo hoggaanka DF-ka kuwaasi oo isku heysta maamulidda golaha wasiirada.

Related Items