Shirkii Dhuusamareeb oo soo gaba gaboobay iyadoo aan laysku raacin nuuca doorasho ee dhici doonta.

Thursday July 23, 2020 - 10:57:30 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkii Dhuusamareeb oo soo gaba gaboobay iyadoo aan laysku raacin nuuca doorasho ee dhici doonta.

    Waxaa lasoo gaba gabeey shir dhowr maalmood magaalada Dhuusamareeb uga socday hoggaanka ugu sarreeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedyada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa lasoo gaba gabeey shir dhowr maalmood magaalada Dhuusamareeb uga socday hoggaanka ugu sarreeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedyada.


Shirar layskumari waayay ayaa dhinacyada dhaxmaray waxayna isku afgaran waayeen qaabka ay noqonayso doorashada madaxtinimada dowladda ee lafilayo in ay dhacdo bilaha soo socda.

Warsaxaafadeed 8 qodob ka kooban oo ay gaba gabada kulanka kasoo saareey ayay ku sheegeen in laysku afgartay in laba isbuuc kadib dib laysugusoo laabto.

Farmaajo iyo madaxda maamullada midkoobna ma caddeyn qaabka ay noqonayso doorashada balse waxay isla garteen in doorashadu dhacdo waqtigii loogu talagalay

Related Items