Al Shabaab oo 10 qarax ka fuliyay degmooyin katirsan gobolka Banaadir.

Thursday July 23, 2020 - 11:11:19 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo 10 qarax ka fuliyay degmooyin katirsan gobolka Banaadir.

    Silsilado qaraxyo ah ayaa markale lagu weeraray saldhigyo ay caasimadda Soomaaliya uga sugnaayeen ciidamo katirsan dowladda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Silsilado qaraxyo ah ayaa markale lagu weeraray saldhigyo ay caasimadda Soomaaliya uga sugnaayeen ciidamo katirsan dowladda.


Dhwor qarax ayaa xalay gilgilay xaafado katirsan magaalada Muqdisho waxaana  lala beegsaday fariisimo maleeshiyaadka dowladda Federaalka ay ku leeyihiin degmooyin katirsan gobolka Banaadir.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in illaa Afar askari oo katirsan ciidamada booliska ay ku dhaawacmeen qaraxyadan oo dhawaqooda si aad ah looga maqlayay xaafado katirsan caasimadda.

Qaraxa koowaad ayaa ka dhacay xalay degmada howlwadaag gaar ahaan saldhiga degmadaasi waxaana ku dhaawacmay 1 Askari oo boolis ah, qaraxa labaad wuxuu ka dhacay isla degmada holwadaag gaar ahaan meel u dhow xarunta Daalo halkaasi oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad katirsan dowladda balse lamasoo sheegin khasaara ka dhashay..


Sidoo kale qarax ayaa  ka dhacay degmada wardhiigley gaar ahaan xaafada Maxamuud Xarbi waxaana lala eegtay maleeshiyaad halkaasi ku sugnaa, qaraxa afraad  wuxuu ka dhacay isla degmada Wardhiigley gaar ahaan Laanta barwaaqo ee furayaasha waxaana lala beegsaday maleeshiyaad ku sugnaa xaafadaasi .

Weeraradii xalay oo ahaa kuwa isku tixan loona adeegsaday Bambaanooyinka gacmaha laga tuuro meelaha kale ee ay ka dhaceen waxaa kamid ahaa   isgoyska degmada howlwadagaag waxaana lagu weeraray maleeshiyaad halkaasi ku sugnaa.

Wararka ayaa intaas ku daraya in weeraro loo adeegsaday bambaanooyin lagu qaaday saldhigyo kuyaalla degmooyinka Kaaraan, Dayniile iyo Yaaqshiid waxaana ka dhashay khasaara ubadan dhaawacyo oo soo gaaray ciidamada booliska dowladda.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items