Dhowr xaalo midkood ayuu noqon xaalka Itoobiya!

Thursday July 23, 2020 - 12:22:34 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhowr xaalo midkood ayuu noqon xaalka Itoobiya!

    Wadanka Itoobiya waxaa wali ka socda kacdoon shacbi oo ka dhashay dil magaalada Addis Ababa loogu geystay Fanaan caan ka ahaa qowmiyadda Oromada dhaxdeeda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wadanka Itoobiya waxaa wali ka socda kacdoon shacbi oo ka dhashay dil magaalada Addis Ababa loogu geystay Fanaan caan ka ahaa qowmiyadda Oromada dhaxdeeda.



Qowmiyadaha kala duwan ee horay ugu midaysnaa nidaamka Federaaliga ah ayaa hadda gorodda iskula jira, dagaallo ayaa ka socda hareeraha Addis.

Qowmiyadaha Amxaarada iyo Tikreega ayaa iyana isha kuwada haya waxa dalka ka socda haddaba maxay saadaashu tahay waxaa qoraal Facebook-ga ku faafiyay Cabdishakuur oo kasoo jeeda dhulka Soomaaligalbeed aadna ula socda dhacdooyinka dalka Itoobiya.

   qoraalka ayaa ahaa sidan



1. Afgambi military inuu ka dhaco hadduu xaalku sidan sii ahaado.

2. Dagaal sokeeye oo xasuuq badan la isu gaysto, gaar ahaan Qawmiyadaha Axmaarada, Oromada iyo Tigreega.

3. In muddo gaaban (Dhawr sano) uu Abiy xoog kusii joogo uuna xasuuqyo gaysto isuna badalo Idi Amiin Dada oo kale.

4. In Axmaaro Xagjir ah oo Kaniisadaha caalamka gaar ahaan kuwa orthodox kaashanaysa xukunka qabsato, kadibna dagaal sokeeyo iyo xasuuqyo bilowdaan.

Cabsida ugu badan caawa waxay haysataa Kornayl Abiy, cid uu aamino ma hayo oo sababta uu u qariyey meesha uu ku xidhay siyaasiyiinta Oromada waa cabsi uu ka qabo in ciidamada qaar kamid ahi kala soo baxaan xabsiga ama kuwa xagjirka Axmaarada ama tigreegu toogtan oo xaalku xasuuq wadareed isu badalo. . Waa sababta markii maxkamada la keenayey loogu soo xidhay Jaakeedka aysan xabadu karin, sidoo kale babuurta qafilan loogu soo qaadey. Asaga laftiisu Jaakeedkas la'aantiis ma baxo maalmahan, cabsi uu ka qabo askari Oromo ah oo Jawar taageersan inuu xabad la dhaco.

Siyaasinta kusoo hadhay Waa hadhaagii xukunkii TPLF intii aan Tigreega ahayn, shacab Axmaarada xagjirka ah ubadan ayaa ku xumayn Oromo ugu sacaba tumaya maalmahan balse maaha jacay iyo taageero ay u hayaan.

Xaaladu waa very fragile, waxyar ayaa qarxin kara, Jawaar oo la toogto, asaga oo la toogto, mudaharaadyada oo faraha ka baxa, qaar ciidamada kamid ah oo gadooda.....etc.

Sanadkan bilowgiisa iyo kii hore dhamaadkiisi ayaan qoraalo badan ka qorey sidii aan qiyaasayey ayunbay ku socotaa illaa hadda.

Related Items