Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid oo ka badbaaday qarax lagu dili rabay.

Thursday July 23, 2020 - 19:21:55 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 5 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid oo ka badbaaday qarax lagu dili rabay.

    Faah faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xooggan oo maanta ka dhacay mid kamida xaafadaha magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faah faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xooggan oo maanta ka dhacay mid kamida xaafadaha magaalada Muqdisho.


Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid ugu magacaaban dowladda Federaalka ayaa si dirqi ah uga fakaday isku day dil oo ladoonayay in lagu khaarijiyo.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in gaari uu watay guddoomiyaha degmda Yaaqshiid qarax miino lagula eegtay isgoyska Sanca ee degmada Yaaqshiid.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda Xarakada "Mujaahidiinta ayaa isgoyska Sanca qarax kula eegtay gaari uu la socday mas'uul katirsan maamulka gobolka Banaadir ee Kooxda Ridada ah, ugu yaraan hal askari ayaa qaraxa ku dhaawacmay" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.


Qaraxyada iyo dilalka qorshaysan ee lagu beegsanayo askarta iyo saraakiisha dowladda Federaalka ayaa maalmihii lasoo dhaafay kusoo badanayay degmooyinka gobolka Banaadir.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items