Maleeshiyaad Mareykanku tababaray oo lagu qarxiyay Warmaxan iyo weeraro ka dhacay Jubbada Hoose.

Saturday July 25, 2020 - 10:41:36 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maleeshiyaad Mareykanku tababaray oo lagu qarxiyay Warmaxan iyo weeraro ka dhacay Jubbada Hoose.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar khasaara dhaliyay oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaan katirsan Sh/Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir gaari laga qabsaday maleeshiyaadka Danab
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar khasaara dhaliyay oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaan katirsan Sh/Hoose.


Ugu yaraan 1 askari ayaa ku dhintay  kadib weerar qarax oo lagu beegsaday kolonyo ciidamo ah xilli ay marayeen deegaanka Warmaxan ee hoos taga degmada Wanllaweyn.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in qarax miino uu haleelay gaari Tiknika ah oo ay la socdeen maleeshiyaadka Mareykanku uu ku tarababaray saldhigga Balidoogle ee Bangaraafta loo yqaan.

War kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in gaariga labeegsaday uu ku burburay qaraxa, dhinaca kale wararka ka imaanaya Jubbada hoose ayaa sheegaya in weeraro hor leh lagu qaaday saldhigyo ay ku sugnaayeen ciidamada Kenya.


Xoogag jihaadi ah ayaa xalay saqdii dhexe weeraro ku miray saldhigyada ciidamada Kenya ee deegaannada Hoosingoow iyo Kulbiyoow oo ah deegaanno dhaca xuduud beenaadka.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen jugta rasaas xooggan iyo madaafiic ay labada dhinac isdhaafsanayeen balse lama oga khasaaraha ka dhashay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items