Daawo Video: Baarlamaanka dowladda oo Eryay R/wasaare Xasan Cali Kheyre.

Saturday July 25, 2020 - 13:10:33 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Video: Baarlamaanka dowladda oo Eryay R/wasaare Xasan Cali Kheyre.

    Kadib kulan xasaasi ah oo xildhibaannada baarlamaanka dowladda Federaalka ay ku yeesheen magaalada Muqdisho ayay xilkii uga xayuubiyeen Xasan Cali Kheyre oo ku dhowaad Afar sano hoggaaminayay golaha wasiirrada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib kulan xasaasi ah oo xildhibaannada baarlamaanka dowladda Federaalka ay ku yeesheen magaalada Muqdisho ayay xilkii uga xayuubiyeen Xasan Cali Kheyre oo ku dhowaad Afar sano hoggaaminayay golaha wasiirrada.


Kulanka oo uu hareeyay buuq ay sameynayeen xildhibaannada kasoo horjeeda siyaasadda Farmaajo ayaa ugu dambeyntii lasoo xiray.

Max'med Mursal oo ah guddoomiyaha baarlamaanka ayaa warbaahinta u sheegay in 170 xildhibaan ay kalsoonida kala laabteen xukuumadda Kheyre oo uu sheegay in ay ku fashilantay arrimaha doorashooyinka.

Wasiirro katirsan xukuumadda Kheyre oo uu kamid yahay wasiirka Amniga ayaa ku eedeeyay guddoomiyaha Baarlamaanka uu damacsanyahay waqti kororsi islamarkaana uu si sharci darro ah ku ridayo xukuumadda sida ay hadalka udhigeen.


Hoos Ka daawo qaabkii ay baarlamaanka wax uga dhaceen


Related Items