Xisbiyada Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh Axmed oo dhaleeceeyay tallaabadii Kheyre lagu eryay.

Saturday July 25, 2020 - 19:37:48 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Xisbiyada Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh Axmed oo dhaleeceeyay tallaabadii Kheyre lagu eryay.

    Xisbiyada Mucaaradka ah ee ay hoggaamiyaan Madaxweynayaashii hore ee dowladda Federaalka ayay si kulul ugu dhaleeceeyeen tallaabadii lagu eryay Xasan Cali Kheyre waxayna ku tilmaameen bilaawga xukun kororsi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiyada Mucaaradka ah ee ay hoggaamiyaan Madaxweynayaashii hore ee dowladda Federaalka ayay si kulul ugu dhaleeceeyeen tallaabadii lagu eryay Xasan Cali Kheyre waxayna ku tilmaameen bilaawga xukun kororsi.


Qoraal uu soo saaray Madasha Xisbiyada Qaran ayaa lagu sheegay in xilka qaadista maanta uu ku dhowaaqay guddoomiyaha Golaha Shacabka ay tahay mid lagu carqaladeynaayo hanaanka doorashooyinka dalka, islamarkaana lagu sameynayo Muddo kororsi.

"Waxaan aad uga xunahay in xilligan uu Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka uu horseed ka noqdo qalalaase siyaasadeed oo ay adag tahay maareynteeda,”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Madasha Xisbiyada Qaran.

Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa ka digay in colaad dhiig badan ku daato ay ka dhalato isjiid jiidka siyaasadeed ee udhaxeeya Farmaajo iyo Kheyre.




Related Items