Video: Xasan Cali Kheyre oo ka digay khalalaasa Amni oo ka dhasha Xukun kororsiga uu Farmaajo qorshanayo.

Sunday July 26, 2020 - 08:52:22 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Video: Xasan Cali Kheyre oo ka digay khalalaasa Amni oo ka dhasha Xukun kororsiga uu Farmaajo qorshanayo.

    R/wasaarihii dowladda Federaalka ee shalay ay eryeen xildhibaannada baarlamaanka ayaa ka hadlay sababta loo eryay iyo khilaafkii kala dhaxeeyay Farmaajo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

R/wasaarihii dowladda Federaalka ee shalay ay eryeen xildhibaannada baarlamaanka ayaa ka hadlay sababta loo eryay iyo khilaafkii kala dhaxeeyay Farmaajo.


Xasan Cali Kheyre oo xalay saqdii dhexe jeediyay kalimad kooban ayaa ka shanqariyay in wixii shalay ka dhacay Xarunta Baarlamaanka aysan waafaqsanayn xeerka udegsan DF-ka.

wuxuu si qota dheer uga hadlay damaca Farmaajo ee ah in uu waqti kororsi sameeyo isagoo ka digay dagaal iyo khalalaase ka dhasha xukun kororsiga uu damacsanyahay madaxweynaha dowladda Federaalka.

"Inkasta oo kulamadii Dhuusamareeb horumar fiican laga sameeyay, haddana waxaa muuqata in wali uu socdo fikirkii ku aadanaa muddo korarsiga oo salka ku hayay wixii ka dhacay Golaha Shacabka. Fikirkaasi oo aan mar hore ka digay oo aan aaminsanahay in uu keeni akro khalkhal siyaasadeed, dalkana dib u celin karo, ayaa waxaan mar kale xasuusinayaa ummadda Soomaaliyeed, in dalka afartii sanaba ay mar doorasho ka dhacdo, iyadoo xukunka yahay qori isu dhiib in ay tahay dhaqan sax ah oo dalkan lagu bartay oo ay tahay in kulligeen aan ilaalinno," ayuu yiri Khayre.


R/wasaarihii hore ayaa ka digay in khalalaasa amni iyo mid siyaasadeed uu ka dhasho muddo kororsiga, ugu dambeyn ayuu sheegay in isagu uu go'aansaday in iscasilaad.

Dowladda Federaalka ayaa 15-kii sano ee lasoo dhaafay laheyd caado ah in madaxdeedu iskhilaafaan gaar ahaan R/wasaarayaasha oo xilalka laga qaado iyagoo aan waqtigooda dhammeysan.

Hoos ka daawo hadalka Xasan Cali Kheyre


Related Items